Jowhar Shacabka ku nool Oo La Deristay Cabsi

jiinka September 12, 2013 Comments Off
Jowhar Shacabka ku nool Oo La Deristay Cabsi

Waxa ay cabsi la soo daristay shacabka Magaalada Jowhar ee xarunta gobalka Shabeellada dhexe, kadib markii daadad ka dhashay fatahaadda webiga ku soo dhawaadeen Magaalada.

 

Shacabka Magaalada Jowhar ayaa xalay bilaabay inay guryahooda isaga baxaan.

Yuusuf Cabdi Cabdulle oo ah gudoomiye ku xigeenka gobalka Shabeellada dhexe oo la hadlay Saxaafada ayaa sheegay in degmada ay ka jirto cabsi xoogan oo ku adaan in fatahaada webiga ay soo gaarto Magaalada,balse ka maamul ahaan ay wadaan dadaalo looga hortagayo arrikaasi.

 

Waxa uu intaasi ku daray Yuusuf in daadadka uu Magaalada u soo jiro in ka yar 500 oo talaabo,shacabkana ay wadaan sidii looga hortagi lahaa,isagoo sheegay in Dowaladda Soomaaliya aysan wali ka helin caawinaad.

 

Magaalada Jowhar ayaa saakay ka jirin ganacsi,iyadoo goobaha ganacsiga ay albaada u xiranyihiin maadaama dadkii ay ka barakacayaan Magaalada.

Dhawaan ayey ahayd markii webiga Shabeelle uu ku fatahay qeybo ka tirsan gobolkaasi,iyadoo daadadkaasi ay ka dhasheen qasaare nafeed iyo mid maalliyadeedba.

 

 

cumar c/rashiid
cumarrashiid@gmail.com

Comments are closed.