Howlgallo Dheeraad Ah Oo Ay Ciidamada Ka Wadan Beledweyn

jiinka September 11, 2013 Comments Off
Howlgallo Dheeraad Ah Oo Ay Ciidamada Ka Wadan Beledweyn

Ciidammada Qalabka Sida ee Soomaaliya ayaa howlgallo ay ka sameeyeen xaafadaha magaalada Beledweyn waxa ay ku soo qab qabteen dad farabadan ayadoo howlgalkaasina sare loogu qaadayay ammaanka magaaladaasi.

 

Howlgaladani ayaa ciidamadu ka bilaabeen xaafadaha magaalada Beledweyne waxeyna ciidamadu howlgalkaasi kusoo qabqabteen dhalinyaro lagu tuhmayo iney wadeen falal amnidaro ah iyo iney ka tirsanyihiin al Shabaab.

 

Saraakiisha ciidamada dowlada ee ku sugan magaalada Beledweyn ayaa sheegay in howlgaladani yihiin kuwo saf balaaran ah oo la doonayo in lagu xaqiijiyo amaanka magaalada islamarkaana looga hortago kooxaha argagixisada ee amnidarada ka wada magaaladaasi, kuwaas oo ka socdo deegaano kale oo hoosyimaada Beledweyn.

 

Dhanka kale saraakiisha ayaa sheegtay in iney ka warbixindoonaan natiijada marka howlgalku soo dhamaado waxeyna tilmaameen in howlgalkani uu yahay mid lagu ciribjarayo al Shabaab,

Howlgalkan ayaa yimid xilli labadii maalmood ee la shoo dhaafay ay magaaladaasi kusoo badanayeen falal amnidaro ah kuwaas oo la rumeysanyahay iney ka dambeeyeen al Shabaab.

 

 

 

cumar c/rashiid
cumarrashiid@gmail.com

Comments are closed.