Qaar ka mid ah nabad-doonnada magaalada Jowhar ayaa ka codsaday dowladda Soomaaliya in gobolka ay siiso xuquuqda uu ku leeyahay dowladda Soomaaliya.
Nabad-doon Xaaji Muude Qaroofow oo ka mid ah nabaddoonaddii Jowhar ku soo dhoweeyay madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay in dadka deegaanka ay u baahan yihiin inay helaan waxyaabaha aasaasiga u ah nolosha aadanaha, sida waxbarasho, caafimaad iyo amni.
Nabad-doon Xasan Qaasim Qeyley ayaa isaguna waxa uu sheegay in gobolka uu u baahan yahay ciidamo boolis ah, kuwaas oo ilaaliya nabad gelyada iyo amniga shacabka ku dhaqan gobolka.
Sidoo kale Cuunsheeye Axmed Carraale oo ka mid ahaa dadkii hadalka ka jeediyay munaasabaddii soo dhoweynta madaxweynaha ee degmada Jowhar ayaa ka codsaday madaxweynaha inuu gacan ka geysto soo noolaynta mashruucyadii webiga Shabeelle.
Madaxweynaha jamhuuriyadda Somaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shalay booqasho ku tagay degmada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellaha Dhexe,
Halkaas oo ay ku soo dhoweeyeen qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan degmada Jowhar.
cumar c/rashiid
cumarrashiid@gmail.com
Comments are closed.