Jowhar Oo Gaaray Madaxweyne Xasan Sheekh

jiinka September 9, 2013 Comments Off
Jowhar Oo Gaaray Madaxweyne Xasan Sheekh

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goordhaweyd gaaray Degmada Jowhar ee xarunta Gobalka Shabeelaha dhexe.

 

Magaalada Jowhar Ayaa Madaxweynaha si heer sare ah loogu soo dhoweeyey, ka dibna uu kulammo la qaadan doono shacabka iyo Odayaasha dhaqanka Degmada Jowhar,iyadoo ammaanka Magaalada si weyn loo adkeeyay ciidanka Dowladda iyo kuwa AMISOM ay iska kaashanayaan sugidda ammaanka Jowhar.

 

Wuxuu sidoo kale la qaatay kulamo gaar gaar ah Maamulka gobolka Shabeelaha Dhexe iyo degmooyinkiisa, madax dhaqameedka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

 

Madaxweynaha ayaa ujeedada safarkiisa uu ahaa inuu u soo kuurgalo xaaladda shacabka deegaanada uu booqday, isla markaana uu warbixn kooban ka siiyo xaaladda dalka iyo aragtida fog ee dowladdu, iyo inuu la tashiyo kala sameeyo aragtida dadka deegaanka ee ku wajahda ka qeybgalinta dadka arrimaha dowladdu ay waddo.

 

Lama oga in Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu caawo ku hooyan doono Magaalada Jowhar ee xarunta Gobalka Shabeelaha dhexe iyo inkale.

 

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay ku hooyday Magaalada Beladweyne ee xarunta Gobalka Hiiraan,isaga oo maanta kasoo duulay Magaaladaasi.

Safar dhanka dhulka ah ayuu ku gaaray Degmada Jowhar ee xarunta Gobalka Shabeelaha dhexe.

 

 

 

cumar c/rashiid
cumarrashid@gmail.com

Comments are closed.