Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in qof beeralley ahaa lagu dilay tuulo lagu magacaabo Laxarow, oo hoos tagta degmada Mahaddaay ee gobolka Shabeellaha Dhexe, mid kalena waa lagu dhaawacay.
Waxaa sidoo kale la sheegay in falka dilka iyo dhaawacuba ay xalay ka dhaceen tuulada.
Lama oga sababta ka dambeysa dilka ninka iyo dhaawaca midka kale, iyo ciddii ka dambaysay falkaasi.
Balse tuulada Laxarow ayaa waxaa horey uga dhacay isku dhacyo dhanka qabaa’illada ku saleysan.
Tuuladaasi ayaa waxaa gacanta ku haysa al-Shabaab.
cumar c/rashiid
cumarrashid@gmail.com
Comments are closed.