Waxaa lagu waday in maanta gobolka Sh/dhexe Magaallada Madaxdiisa Jowhar uu safar booqasho ah ku tago Madaxwaynaha Dalka somaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, safarkaasi diyaar garoowgiisa ayaa waxaa laga dareemayay shallay galin kii danbe illaa saakay waaberigii.
Waxaa jiray ciidamo nabad sugid ahaa oo goobtaasi loo diray si ay amaanka usii xaqiijiyaan balse maanta barqo nimadii si niyad jab ah usoo laabtay ka dib markii safar kale oo aan hore loo shaacin ugu amba baxay madaxwaynaha Gobolka Hiiraan Magaallada Madaxiisa B/Wayne.
Baaqashada madaxwaynaha ayaa u sabab aheyd sida la sheegay amaanka Gobolka Sh/dhexe oo lagu kalsoonaan waayay ka dib markii qaraxyo laga maqlay meelihii uu tagi lahaa madaxwaynaha.
Dadwayne badan oo si aad ah ugu hanwaynaa inay soo dhoweeyaan madaxwaynaha ayaa si aad ah u niyad jabay, waxaana illaa hada la ogeyn
goorta uu tagi doono madaxwaynaha Gobolkaasi.
Si kastaba waxaa jirta in marka uu madaxwaynaha Gobollada dalka booqasho ku tagayo inta badan la kulmo weeraro kadis oo qal qiil lagu galiyo safarkiisa, todobaadkii tagay mar uu safar dhulka ah ku tagayay Sh/hoose ayaa kolonyaddii la socotay dhaxda loo gallay madaxwayanaha, iyadoo markii uu soo laabanayay ay diyaarad helicopter ah soo qaaday si Qatar kale aanan ulla kulmin.
Waxaa ayaan daro ah in dowllad wadanka intiisa badan gacanta ku haysa hadana mararka qaar la kulanto weeraro kadis oo ay wali maarayn la’dahay.
W/D Asad Abukar Ali
Email asaddhayow@gmail.com
Comments are closed.