Iyaddoo wali dad badan oo Soomaaliyeed maskaxdoodda kasii dhexguuxeyso
Xusuuqii ka dhacay aga-gaarka Hooyooyinka THE VILLAGE HOTEL sanadii
hore isla bishan 20/9/2012 maalin Qamiis ah, qaraxyaddii arxandarada
ahaa ee lagu xusuuqay dad badan oo rayid ah haba u badnaadeen
wariyayaal ay ka mid ahaayeen C/sitaar Daahir Sabriye, Liibaan Cali
Nuur, C/raxmaan Yaasiin, sidoo kale ku dhaawacmay Nuure Max’ed Cali,
C/llaahi Max’ed Cali Suldaan, C/risaaq Shiine, Gentelman & waliba dad
badan oo rayid ah.
Inta la xaqiijiyay sanadkaasi waxaa ku nafwaayay oo lagu xusuuqay ku
dhowaad 20 ruux oo aan waxba galabsan, dhaawacana uu kor u dhaafay
illaa iyo 47 afartan & todobo qofood.
Xasuuqaasi xanuun ka badnaa oo asxaab badan Soomaaliyeed wali loogu
tiiraanyeysan yahay ayaa hadana Waxaa la yaab noqotay isla bishii
sanadkaasi oo maalmo yar ka harsan tahay baroordiiqooddii hadana isla
goobtii shallay oo ay taariiqda ku beegnayd 7/9/2013 in xusuuq si
arxandaro ah dad rayid ah loogu laayay.
Waxba isma dhaamin labadooduba qaraxa koowaad marka uu dhacay dadkii
shacabka ahaa markii ay soo kala carareen oo ay damacsanaayeen in ay
gar gaar u fidiyaan ayaa waxaa dhacday in qof wax yaabaha qarxa ku
miinaysnaa hadana dadkii dhexda u gallay oo uu mar jawiga badalay,
waana kaasi kan dad ka badan ugu wax yeeloobeen oo ay ku xusuuqmeen
tiarrada guud eek u dhimatayna waxaa la xaqiijiyay 18 halka ay ku
dhaawacmeen ku dhowaad 39 qofood oo.
waa arin si aad ah u taabanaysa qof walbo oo muwaadin Soomaaliyeed ah,
waxaana aad uga xumaadday arday ka yimid iskuulkoodii oo ka mid ahaa
dadkii shallay ku nafwaayay oo buugaagtooddii dhiig ka daadanayay
hilbahooduna hadba meel laga soo qaaday.
Xarakada Al-Shabaab ayaa si cad u sheegatay iney ka dambeysay
masuuliyada qaraxyaddaasi, Qoraal ka soo baxay Xafiiska warfaafinta
Xarakada Al Shabaab ayaa lagu sheegay inay weerarada qaraxyada ah la
beegsadeen halka loo yaqaano maqaayadda The Village ee ku taalla
guriga hooyooyinka, halkaasoo xarun u ah wax ay ku tilmaameen
Jawaasiista gudaha iyo kuwa caalamiga ah., laakiin marka aad is bar
bar dhigto dadka ku xusuuqmay goobtaasi dhamaantood waxa ay wada
ahaayeen dad rayid ah, arday, dad meesha ku ganacsanayay, intaba
INAALILAAHI WA INA ILAYHI RAAJICUUN.
Siyaasada is diidan ee ka jira caalamka waa wax jira laakiin waxaa
reeban in Shacab rayid ah la xusuuqo waana jiri karaa mucaarad balse
waxaa fiican in qolyaha siyaasadaha iskala soo horjeedda si toos ah
loo beegsado.
Waxaa illaa hada dhagahayga kasii guuxaysa Hooyo Soomaaliyeed oo laba
wiil oo ay dhashay oo iskuul usoo dirtay loo geeyay Maydadkooddii oo
Cad Cad ah, islaantii illaa iminka Miirkeedii sax ma ahan oo waa ay
Shook san tahay, markii aad booqato isbitaallada waawayn waxa ay
indhahaagu qabanayaan wax damiirkaga u adkaysan Karin.
Waxaa jirtay oo aan Soo arkay wiil Kirishbooy ahaa oo Gawaarida BLka
ah la shaqeyn jiray oo lugta kaga jarmay qaraxii shallay waxaana
isbitaalka ku illaalinayay gabar uu dhowaan soo guursaday oo aad u yar
taasoo aanan xitaa awoodin in ay hesho nolol maalmeedkeedii caadiga
ahaa waayo ninka kaliya ay taqaanay ee nolosheedda ay ku tiitsanayd
waa uu ka naafoobay xitaa cunaddiisa ayaa qal qiil ku jirta waqti
xaadirkan.
Qoraal laguma soo koobi karo xusuuqii Xusuuqa lagu xusay waxaana
illaahay ka rajaynayaa in umadda Xaqa dareensiiyo oo kuwa waxa
xusuuqayana raxmadda Alle kusoo dajiyo si ay u dareemaan waxa ay
geesanayaan.
WABILLAAHI TOWFIIQ
W/D Asad Abukar Ali (Asad Dhayow)
Email asaddhayow@gmail.com
Mogadishu-Somalia
Comments are closed.