Wafdi balaaran oo uu hogaaminayo Madaxweynaha dowlada federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa galabta gaaray magaalada baladweeyne ee xarunta gobolka hiiraan,
Waxana garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif ee magaalada Beledweyn, siweyn ugu soo dhaweeyeen mas’uuliyiinta maamulka gobolka Hiiraan iyo dadweyne aad u fara badan
Wafdiga madaxweynaha ee galabta gaaray magaalada Baladweyne ayaa waxaa ka mid ah wasiir ku-xigeenka wasaarrada arrimaha gudaha iyo ammniga Qaranka Jaamac Maxamed Axmed [Jaamac Oday] xildhibaanno,
Taliyaha ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed Jeneral Daahir Aadan (indhaqarshe)Cilmi, taliyaha ciidamada nabad-sugida Soomaaliyeed Bashiir Max’ed Jaamac [Bashiir Goobe], taliyaha booliiska Soomaaliya, Jeneral C/xakiin Daahir Siciid (Saacid).
Soo dhaweynta madaxweynaha ayaa waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiinta maamulka gobolka Hiiraan,saraakiisha ciidamada maamulka, kuwa howlgalka midowgga Afrika AMISOM, saraakiisha ciidamada Itoobiya, qeybaha bulshada magaalada oo isugu jiray aqoonyahanno, odayaal, waxgarad, ururada dhalinyarrada,
Waxana ay wateen calanka dalkeena iyo caleemo qoyan iyaga oo safnaa hareeraha wadooyinka kuna faraxsanaa booshada madaxweynaha.
Madaxweynaha oo hadal kooban siiyay Saxaafada ayaa sheegay in uu caawa joogayo magaalada Baladweyne, islamarkaana kulamo la qaadan doono mas’uuliyiinta maamulka gobolka hiiraaniyo qeybaha kala duwan ee bulshada.
Amniga magaalada baladweyne ee xarunta gobolka hiiraan ayaa si aad ah loo adkeeyay waxaa lagu arkayay ciidamada maamulka gobolka Hiiraan oo wadooyinka xiray, islamarkaana si foojigan ula socda dhaq dhaqaaq guud ee magaalada.
cumar c/rashiid
cumarrashid@gmail.com
Comments are closed.