Labo qof ayaa inta la og yahay ku dhaawacantay bam xalay lagu tuuray gaari ay saarnaayeen askar ka tirsan ciidanka dowladda oo marayay gudaha magaalada Jowhar.
Mid ka mid ah labada qof ee dhaawacantay ayaa lagu soo warramayaa inuu ka tirsanaa ciidanka dowladda,
Halka qofka kalana uu yahay rayid, inkasta oo rasaas ay askartu fureen qaraxa kaddib ay sababi karto khasaare intaas ka badan, sida uu Saxaafada u sheegay guddoomiyaha xaafadda Hantiwadaag ee qaraxu ka dhacay.
Wararka ayaa intaas ku daraya in ciidan ka tirsan kan dowladda oo gaaray goobtu ay qab-qabteen dad ka ag dhowaa goobta oo aan la sheegin tiradooda rasmiga ah.
Saraakiisha ciidamada iyo maamulka degmada ayaan ka hadlin bamka caawa lagu weeraray gaariga ay saarneyd askarta ka tirsan ciidanka dowladda ee degmada Jowhar.
cumar c/rashiid
cumarrashid@gmail.com
Comments are closed.