Qarax gaari iyo qof isa soo midaamiyay ayaa isku qarxiyay maqaayad caan oo ku taalla Muqdisho, waxaana ku dhintay ugu yaraan 18 qof, sida uu Saxaafada u xaqiijiyay sarkaal ka tirsan booliska degmada Xamar-weyne.
Qaraxyada ayaa lala eegtay maqaayadda Village Restaurant oo ku dheggan guriga Hooyooyinka ee magaalada Muqdisho.
Maqaayada ay qaraxyada ka dhaceen ayaa la sheegay in lagu arkay meydadka toban qof oo u badan dad rayid ah.
Sarkaalka u hadlay booliska ayaa ku eedeeyay al-Shabaab inay ka dambeysay qaraxyada.
Maqaayadda qaraxa lala eegtay ayaa isla bishan oo kale sanadkii la soo dhaafay waxaa lala eegtay qarax ismiidaamin ah oo gaari loo adeegsaday.
cumar c/rashiid
cumarrashid@gmail.com
Comments are closed.