Ka dib markii ay Baarlamaanka Soomaaliya si aqlabiyad ah ugu codeeyeen madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa ka dhacay qeybo badan oo ka mid ah adduunka oo ay ku jiryo magaalada Muqdisho dabaaldegyo waa weyn oo lagu soo dhaweynayey guusha uu gaaray Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, taas oo ay dadka qaarkiis ay ku tilmaameen inays oo noqotay rajadii Soomaaliya, maadaama uu isbedel weyn ka dhacay Soomaaliya.
Ugu horeyn magaalada Muqdisho ayaa markii lagu dhawaaqay natiijada Madaxweynenimada Soomaaliya ayaa waxaa mar qur ah isqabasay daryanka rasaasta waa weyn iyo tan yaryar oo loogu dabaaldegayey guusha uu gaaray Prof. Xasan Sheekh Maxamuud iyo doorashada lagu qabtay magaalada Muqdisho markii ugu horeysay muddo ka badan 40-sano, waxaana hawada magaalada Muqdisho lagu arkayey rasaasta loo yaqaano tareesada oo isdhaafdhaafeysa.
Sidoo kale magaalada Muqdisho ayaa waxaa xalay ka dhacay banaanbaxyo waa weyn oo lagu taageerayey Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya, iyadoo qaar ka mid ah waddooyinka Muqdisho ay xalay oo dhan marayeen dad si iskood ah isku soo abaabulay, kuwaas oo ku qeylinayey isbedelka dhacay waa hormarka Soomaaliya, madaxweynaha cusub waxaan ka rajeynaynaa inuu ka shaqeeyo sidii cadaalad iyo homar dalka loogu soo dabaali lahaa, isla markaasna uu Ra’isul wasaare u magacaabo Maxamed C/laahi Farmaajo.
Sidoo banaanbaxyo waa weyn ayaa waxay ka dhaceen magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya iyo dalka Sweden, halkaasi oo markii lagu dhawaaqay in doorashada uu ku guuleystay Xasan Sheekh isugu soo baxay waddooyinka waa weyn ee dalka Kenya, kuwaas oo luxayey calanka Soomaaliya, kuna qeylinayey waa maalintii ay dib u soo noqotay sharafkii iyo karaamadii umadda Soomaaliyeed, waxaan dooranay kii dhibka naga saari lahaa iyo hadalo kale, waxayna ugu baaqeen banaanbaxayaashu madaxweynaha cusub inuu Ra’isul wasaare u magacaabo nin ay dadka Soomaaliyeed raali ka yihiin, isla markaasna wax badan ka qaban kara xaaladda cakiran ee dalka Soomaaliya sida Farmaajo oo kale, waxayna haatan Soomaaliya ay u muuqataa inuu u bilowday bog cusub ka dib markii meesha laga saaray madaxdii hogaamineysay dowladdii KMFG aheyd ee wakhtigeedii dhammaaday.
C/rashiid C/laahi Xeydar
Rashiid123@gmail.com
www.jiinwebi.net
Mogadisho Somalia
Comments are closed.