Waxaa maanta la uruuriyay Talooyinka ay soo gudbiyeen ergada ka qeyb galeeysa Shir saddexdii maalmood ee la soo dhaafay looga tashanayay barnaamijka hiigsiga cusub (New Deal) ayaa maanta lagu soo gabagabeeyay magaalada Muqdisho,
kaas oo lagu ansixiyay qorshaha ay dowladda Soomaaliya la tagi doonto shir arrimaha Soomaaliya looga hadlayo oo lagu wado in bartamaha bishan lagu qabto magaalada Brussels ee dalka Belgium.
Wasiir ku-xigeenka maaliyadda iyo qorsheynta ee xukuumadda Soomaaliya Abuukar Sheekh Cabdi Ibraahim ayaa soo xiray shirka oo ay ka qeyb galeen xubno ka socday dowladda iyo ururrada bulshada rayidka ah.
Qorshihiisu wuxuu ahaa inay dadku aragtidooda ku biiriyaan barnaamijka xukuumadda eek u aaddan shirka Brussels ka dhacaya 16-ka bishan,
kaas oo lagu wado inay Soomaaliya iyo bulshada caalamka ku kala saxiixdaan heshiis rasmi ah.
Wasiir ku-xigeenka ayaa bulshada uga mahadceliyay ansixinta qorshaha, isagoo ballan-qaaday inay tixgelin doonaan talada dadweynaha.
Wuxuu tilmaamay inay dhowrkii bilood ee la soo dhaafay wadeen la-tashiyo ay la sameynayaan qeybaha bulshada, kuwaas oo ay ka soo baxeen natiijooyin astaan u ah soo kabashada Soomaaliya.
Barnaamijka hiigsiga cusub ayaa mudnaanta koowaad lagu siin doonaa deeqaha ay Soomaaliya ka hesho beesha caalamka.
cumar c/rashiid
cumarrashid@gmail.com
Comments are closed.