Bogga Twitter-kii Oo mar kale laga xiray Al-Shabaab

jiinka September 6, 2013 Comments Off
Bogga Twitter-kii Oo mar kale laga xiray Al-Shabaab

Shirkadda Twitter-ka ayaa maanta xirtay bartii ay boggaasi ku laheyd Ururka Al-shabaab ee ka dagaalama dalka Soomaaliya.

 

Waa markii labaad oo sanadkaan gudihiisa Al-shabaab laga xiro Bartii Twitterka ay ku lahaayeen,waxaana sababta lagu micneeyay inay tahay wararka iyo Macluumaadka Al-shabaab ay ku baahinayaan Bartaasi,islamarkaana dhalinyarada ay ku soo jiidanayaan.

 

Bogga la xiray ee shabaabku ku lahaayeen Twitter-ka ayaa ahaa mid aad loo booqdo dad badana ay ku xirnaayeen, waxaana sida muuqata laga cabsaday in dad badan oo ku xiran akhbaaraha shabaabku soo dhigaan barta Twitter ay ku qancaan fikirkooda,sida ay sheegeen Mas’uuliyiinta Shirkada Twiterka.

 

Markii ugu danbeysay Al-shabaab ayaa Bogooda ku baahiyay in weerar gaadmo ah ay ku damacsanaayeen inay ku waxyeeleeyaan Madaxweynaha Soomaaliya ay ku qaadeen Kolonyo Marka ku wajahneyd uu saarnaa Xasan Sheekh Maxamud.

 

Mas’uul katirsan Xafiiska Warfaafinta Al Shabaab ayaa warbaahinta Al-shabaab u sheegay in Accountiga Al-shabaab ee Barta Twitterka ay ku lahaayeen gabi ahaanba Shirkada Twiterka xayiraad ay saareen.

 

Sarkaal katirsan Al-shabaab ayaa yiri “Acoountiga Al-shabaab ee Twitterka saaka isaga oo xiran ayaan aragnay,waana isku day lagu doonayo in lagu caburiyo xaqiiqda kasoo tebinaysa Soomaaliya sida muuqata waxay dhibsadeen wararka xaqiida ah ee Al-shabaab caalamka u tabiyaan”.

 

Al-shabaab ayaa horay looga xayiray Accontigii ay lahaayeen Bishii January ayna soo dhaafnay,kadib markii ay daabaceen war sheegayay inay dileen Ciidamo ka tirsan Faransiiska,hanjabaad ku aadan inay dilayaana u jeediyay Lahaaystayaal u dhashay dalka Kenya.

 

 

 

cumar c/rashiid
cumarrashid@gmail.com

Comments are closed.