Qaraxyo Kala Duwan Oo Xalay Muqdisho Ka Dhacay

jiinka September 5, 2013 Comments Off
Qaraxyo Kala Duwan Oo Xalay Muqdisho Ka Dhacay

Caasimada soomaliya ee Muqdisho oo xalay ka dhaceyn qaraxo kala Duwan iyadoo sido kale Rasaas laga Maqlayeey Daafaha Magaalada muqdisho.

 

Seddex qarax oo nuuca bambaanooyinka gacanta laga tuuro ah ayaa waxa lagu weeraray fariisin ciidamada dawalda ay ku lahaayeen xaafada Korontada ee Degmada Wadajir,sidoo kale qaraxyo ayaa ka dhacay xaafada Dan-wadaagta iyo dhinaca garoonka diyaaradaha Adan Cadde

 

Sidoo kale qaraxyo bambaanooyinkaasi ka dhaceen ayaa laga maqlayo Afar Irdoodka Xamar Weyne .

Qaraxyo kale ayaa waxa iyana laga maqlay agagaarka Tarabuunka degmada Hodan iyadoo ilaa hadda aan lasoo sheegin waxyeelo ka dhalatay dhamaan qaraxyadii xalay ka dhacay Muqdisho.

 

 

 

cumar c/rashiid
cumarrashid@gmail.com

Comments are closed.