Axmed Madoobe oo sheegay inuu Magaalada Muqdisho booqasho ku tagayo

jiinka September 4, 2013 Comments Off
Axmed Madoobe oo sheegay inuu Magaalada Muqdisho booqasho ku tagayo

Hogaamiyaha Maamulka Jubba Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa sheegay dadka kasoo horjeeda maamulkiisana uu qancinayo,xitaa hadii ay doonayaan xilal uu ku qancinayo si xal looga gaaro arimaha maamulka Jubba.

 

Madaxweynaha maamulka KMG ee Jubba Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa sheegay inuu dhammaaday khilaafkii u dhexeeyay Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka uu hogaamiyo.

 

Axmed Madoobe oo shir jaraa’id ku qabtay maanta Magaalada Kismaayo ayaa sheegay in booqasho ku tegi doonaan magaalada Muqdisho ee xaruntaSoomaaliya.

 

Wuxuu Axmed Madoobe sidoo kale sheegay iney dhanka kale rajo ka qabaan in Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu booqasho ku imaan doono magaalada Kismaayo.

 

Axmed Madoobe ayaa tallaabo wanaagsan ku tilmaamay heshiiskii ay wada gaareen Dowladda iyo maamulkiisa, wuxuuna Madaxweyne Xasan Sheekh ku amaanay doorkii uu ka qaatay heshiiskii labada dhinac ku gaareen Addis Ababa.

 

 

 

 

cumar c/rashiid
cumarrashid@gmail.com

 

 

Comments are closed.