Ciimada AMISOM Ee ka Hawlgala Soomaaliya Oo Ay QM ku Baaqday in la taageero

jiinka September 4, 2013 Comments Off
Ciimada AMISOM Ee ka Hawlgala Soomaaliya Oo Ay QM ku Baaqday in la taageero

Qaramada Midoobay ayaa ku baaqeysa in ciidamada AMISOM ee ka howlgala Soomaaliya lagu taageero saanad milateri oo ay ku jiraan diyaarado helikobtarro ah.

 

Xog-hayaha guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki Moon ayaa sheegay in ay muhiim tahay in ciidamada AMISOM ee jooga Soomaaliya ay helaan saanad milateri oo dheeraad ah, si Al-Shabaab ay waddanka uga xorreeyaan.

 

Mr. Ban ayaa ugu baaqay waddamada xubnaha ka ah QM oo ay ku jiraan waddamada Afrikaanka ah ee aan wali ciidamo u dirin Soomaaliya in ay ku taageeraan howlgalka AMISOM,

 

Ciidamo gaashaaman iyo diyaarado helikopterro ah, si ay meesha uga saaraan awoodda al-Shabaab.

Waxa uu xusay in jiritaanka al-Shabaab ay khatar ku tahay nabadgelyada gobolka.

 

Ban Ki Moon ayaa ka digay in Soomaaliya ay ku laabato dhibaatadii ay horey u soo martay.

Hadalkan ayuu ka sheegay khudbo uu ka jeediyay kulan ay yeesheen golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay.

 

 

 

cumar c/rashiid
cumarrashid@gmail.com

Comments are closed.