Madaxweyne Xasan oo tagay Magalada Marka

jiinka September 3, 2013 Comments Off
Madaxweyne Xasan oo tagay Magalada Marka

Wafdi uu hoggaaminayo madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta safar dhinac dhulka ah ku tagay magaalada Marka ee xarunta gobolka Shabeellaha Hoose.

 

Madaxweyne Xasan ayaa u kuurgalaya xaaladda gobolka Shabeellaha Hoose iyo sidii loo adkeyn lahaa ammaanka, sida uu Saxaafada u sheegay afhayeenka madaxtooyada, Injineer Cabdiraxmaan Yariisow oo ka mid ah wafdiga madaxweynaha.

 

Labo maalmood ayaa lagu wadaa inuu madaxweynaha ku sugnaado magaalada Marka, wuxuuna la kulmi doonaa maamulka KMG ah ee gobolka, odayaasha dhaqanka iyo bulshada qeybaheeda kala gadisan.

 

Xubnaha wafdiga madaxweynaha waxaa ka mid ah wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga qaranka Cabdikariin Xuseen Guuleed, wasiirka gaashaandhigga Cabdixakiin Maxamuud Xaaji, wasiirka garsoorka, Cabdullaahi Abyan Nuur, xildhibaanno iyo taliyayaal ciidan.

 

Waa booqashadii koowaad ee madaxweyne Xasan Sheekh uu ku tago magaalada Marka tan iyo markii uu xafiiska qabtay dabayaaqadii sanadkii 2012.

Madaxweyne Xasan ayaa horey u booqday magaalooyin ay ka mid yihiin Beledweyne, Baydhabo iyo Garoowe.

 

 

 

cumar c/rashiid
cumarrashid@gmail.com

 

Comments are closed.