Dab Xoogan Oo ka kacay goob shidaal Isgoyska Banaadir lagu iibiyo

jiinka September 3, 2013 Comments Off
Dab Xoogan Oo ka kacay goob shidaal Isgoyska Banaadir lagu iibiyo

Dabka oo ahaa mid aad uxoogan ayaa wuxuu ku faafay goobo Ganacsi oo ka agdhawaa Keydka Shidaal ee uu dabka ka kadhacay , waxaana uu qabsaday uu sababay khasaare Hantiyadeed iyo mid Nafeed intaba.

 

Wuxuu dabka ka kacay goob Shidaalka lagu Keydiyo oo u dhaw agagaarka Daarta Seey Biyaano, ee degmada Hodan.

 

Goobta uu dabka ka kacay ayaa waxaa soo gaaray ciidamo ka tirsan kuwa dowlada Soomaaliya iyo waliba gaadiidka dab damiska kuwaas oo iminka ku howlan daminta dabkaas.

Waxaana iminka socdaan soo daad gureynta dadkii dabkaasi uu saameeyay isla-markaana ay dhibaatada xoogan kasoo gaaratay .

 

 

cumar c/rashiid
cumarrashid@gmail.com

Comments are closed.