Musharixiintii u tartantay xilka Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya iyo sida ay codadka u kala heleen

xeydar September 11, 2012 Comments Off
Musharixiintii u tartantay xilka Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya iyo sida ay codadka u kala heleen

Magaalada Muqdisho ayaa shalay waxaa si rasmi ah ugam furmay tartanka doorashada Madaxweynenimada Soomaaliya oo ay u taagnaayeen 22-murashax ka dib markii ay iscasileen 3 ka mid ahaa 25-kii musharax ee buuxiyey shuruudihii looga baahnaa musharaxa, isla markaasna ka hor khudbeeyay Baarlamaanka cusub ee Soomaaliya, soona bandhigay waxqabadkooda haddii la doorto, iyadoo saadaalo kala duwan oo laga bixinayey intii ay socotay doorashada iyo ka hor intii aysan bilaaban ay noqdeen kuwo lama filaan ah oo wax badan iska bedelay, maadaama dadka intiisa badan ay saadaalinayeen in xilka Madaxweynenimada Soomaaliya ay ku soo bixi kareen labo nin midkood, kuwaas oo kala ah Shariif Sheekh Axmed iyo Maxamed C/laahi Maxamed {Farmaajo}.
Doorashada wareegeedii hore oo ay ka qeybgaleen 22-tan musharax ayaa markii la soo gabagabeeyay wareegga koowaad ee doorashada madaxweynenimada Soomaaliya oo shalay duhurkii ka bilaabatay dugsiga sare ee Jeneraal Kaahiye ayaa waxay natiijadii noqotay sida tan:-

1   Shariif Sheekh Axmed 64 cod
2   Xasan Sheekh Maxamuud 60 cod
3   C/weli Maxamed Cali 30 cod
4    C/qaadir Cosoble Cali 27 cod
5    C/llaahi Axmed Caddow 24 cod
6    C/raxmaan Baadiyow 21 cod
7   Maxamed C/llaahi Farmaajo 14 cod
8    Axmed Ismaaciil Samatar 8 cod
9    Yuusuf Garaad Cumar 8 cod
10   C/weli Cilmi Goonjeex 3 cod
11    Maxamed C/weli Shiikh Yuusuf 3 cod
12   Cumar Salaad Cilmi 2 cod
13    Xaaji Maxamed Yaasiin Ismaaciil 2 cod
14    Maxamed C/llaahi Oomaar 1 cod
15    Cusmaan Maxamed Gacal 1 cod
16    Saciid Ciise Maxamuud 1 cod
17   Zakariye Maxamuud Xaaji Cabdi 1 cod
18   Maxamed Axmed Saalax 0 cod
19   Salaad Cali Jeelle 0 cod
20   Maslax Maxamed Siyaad 0 cod
21   Ibraahim Cali Xasan 0 cod
22   C/raxmaan Maxamed Cabdi Xaashi 0 cod

 

Wareegga labaad ayaa waxa u soo gudbay afar musharax oo kala ah Shariif Sheekh Axmed, Xasan Sheekh Maxamuud, C/weli Maxamed Cali Gaas iyo C/qaadir Cosoble Cali, Musharraxiinta ayaa codadka u kala helay sidan, laakin intii aysan bilaaban codbixinta wareegga labaad ayaa waxaa iscasilay C/weli Maxamed Cali Gaas oo sheegay inuu u tanaasulay horay u socoshada Soomaaliya, waxaa kaloo iscasilay C/qaadir Cosoble Cali, waxayna labadani musharrax sheegeen in ay u tanaasuleen isbedel ka dhaca dalka Soomaaliya, iyagoo u mahadceliyay intii codkooda siisay iyo intii aan siin intaba.
Wareegii sedexaad oo ay isugu soo hareen Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud, waxaana natiijadii in codad aqlabiyad ah oo aan horay loo arag ku qaaday xilka Madaxweynenimada Soomaaliya Xasan Sheekh codad gaarayey 190-cod, halka Madaxweynihii hore uu helay codad gaarayey 79-cod oo kaliya, waxaana arrinta xusidda mudan ay aheyd in si la yaab leh uu Sheekh Shariif xilka u wareejiyey, una tahniyadeeyay saaxiibkiis cusub.

C/rashiid C/laahi Xeydar
Rashiid123@gmail.com
www.jiinwebi.net
Mogadisho Somalia

Comments are closed.