Inka badan 100 Macalin ayaa tababar uga furmay magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabellaha Hose kadib markii ay ku guulaysteen Imtixaanaad la sheegay inay ku guulaysteen.
Madaxa Waxbarashada gobolka Shabellaha Hoose Yuusuf Maxamuud Maxamed ayaa si rasmi ah u furay Tababarkaasi.
Guddoomiyaha ayaa wasaaradda adeegga bulshada ku ammaanay dadaalka ay dalka ugu sameyneyso manhaj waxbarasho oo midaysan, isla markaana waxbarasho lacag la’aan ah lagu siinayo ardayda Soomaaliyeed, iyadoo ay wax barayaan macallimiin tayo leh.
Dhowaan ayaa dowladda federaalka ah ee Soomaaliya waxay imtixaan ka qaadday inta badan macallimiinta wax ka barta dugsiyada dalka, si loo helo macallimiin ku habboon wax baridda ardayda Soomaaliyeed.
cumar c/rashiid
cumarrashid@gmail.com
Comments are closed.