Magaalada Muqdisho oo goordhaw ka biloowday shirweynaha qaran ee looga hadlayo arimo dhowr ah.
Waxaa goobta ku sugan ergo kala duwan oo ka qeybgalaysa shirka kuwaasi oo qaarkood ka kala yimid Gobalada dalka Soomaaliya iyo dalka dibadiisa.
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo xubno kale oo ka tirsan Golaha Wasiirada ayaa ku sugan madasha shirka uu ka biloowday,iyadoo hada laguda galay khudbooyinka ay jeedinayaan masuuliyiinta ka tirsan Dowladda.
Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho Maxamuud Axmed Nuur Tarsan oo furitaanka shirkaan ka hadlay ayaa sheegay in shirka uu ahmiyad weyn u leeyahay shacabka Soomaaliyeed ee ku nool Magaalada Muqdisho.
Duqa Muqdisho wuxuu sheegay in wax lagu farxo ay tahay shir looga hadlayo arimaha Dastuurka federaalka iyo arimo kale in Magaalada Muqdisho uu ka furmo.
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud weli ma uusan hadlin wuxuuna ku sugan yahay hoolka shirarka.
Wakiilka gaarka ah ee xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay dalka Soomaaliya Nichlos Kay ayaa ka hadlay munaasabada isaga oo ammaanay dadaalka Dowladda Soomaaliya ay kawado dalka Soomaaliya.
cumar c/rashiid
cumarrashid@gmail.com
Comments are closed.