Jowhar oo gaaray Wufuud QM ka socda

jiinka September 2, 2013 Comments Off
Jowhar oo gaaray Wufuud QM ka socda

Wafdi ka socda hay’adaha Qaramada Midoobay ayaa maanta gaaray magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellaha Dhexe,

 

Xubnaha wafdiga ayaa kulan la qaatay madaxda maamulka degmada Jowhar oo ay kala hadleen xaaladda gobolka, gaar ahaan khasaaraha ka dhashay fataahadda webiga Shabeelle.

 

Hay’adaha Qaramada Midoobay ayaa daneynaya inay dib u howlgeliyaan xaruntii ay ku lahaayeen degmada Jowhar si ay uga howlgalaan gobolka.

 

Muddada uu ku sugnaan doono Jowhar, wafdiga wuxuu booqan doonaa goobaha uu ka fatahay webiga Shabeelle, xerooyin ay ku jiraan dad barakacay iyo waliba waddooyin burbursan.

 

Waa markii labaad oo wafdi ka socda hay’adaha Qaramada Midoobay uu booqdo magaalada Jowhar tan iyo markii magaalada laga saaray kooxda al-Shabaab sanadkii la soo dhaafay.

 

 

 

cumar c/rashiid
cumarrashid@gmail.com

Comments are closed.