Safiir cusub oo Ethiopia u magacowday Soomaaliya

jiinka September 1, 2013 Comments Off
Safiir cusub oo Ethiopia u magacowday Soomaaliya

Dowladda Ethiopia ay u soo dirsatay Soomaaliya, Wondimu Asaminew oo waraaqihiisa aqoonsiga u dhiibaya madaxweynaha Soomaaliya,

Dowladda Ethiopia ayaa Ambassador Wondimu Asaminew u magacowday inuu danjire uga noqdo dalka Soomaaliya.

 

Danjiraha cusub ee Ethiopia oo maanta soo gaaray magaalada Muqdisho ayaa waraaqihiisa aqoonsiga ku wareejiyay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo uu maanta Villa Soomaaliya kula kulmay.

 

Madaxweynaha ayaa safiirka kala hadlay xiriirka labada dal iyo iskaashiga saaxiibtinimo ee Soomaaliya ay la leedahay dalka Ethiopia.

Ambassador Wondimu ayaa beddelaya Abdiasis Ahmed Adam oo tan iyo sanadkii 2011 ka howlgalayay safaaradda Ethiopia ee magaalada Muqdisho.

 

Dowladda Ethiopia waxay xiriir-dhow la leedahay dowladda Soomaaliya, waxaanay dowladda Soomaaliya ka gacan-siinaysaa dagaalka ka dhanka ah al-Shabaab.

Ciidamo aan tiradooda rasmiga ah la aqoon ayaa Ethiopia ka jooga qaybo ka tirsan Soomaaliya.

 

 

 

cumar c/rashiid
cumarrashid@gmail.com

Comments are closed.