Shirka Wadatashiga Mustaqbalka Dalka oo ay Wufuudyo ka qeyb galeysa

jiinka September 1, 2013 Comments Off
Shirka Wadatashiga Mustaqbalka Dalka oo ay Wufuudyo ka qeyb galeysa

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ku soo qul-qulaya Ergooyin ka qeyb galeysa shirka Wadatashiga Mustaqbalka Siyaasadda dalka oo ay dowladda Soomaaliya ku baaqday, kaasi oo lagu wado in maalinta barita ah uu ka furmo magaalad Muqdisho.

 

Garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka jira mashquul fara badan iyadoo ay ka soo dagayaan ergada ka qeyb galeysa shir weynaha looga wadatashanayo Mustaqbalka siyaasadda ee la doonayo in dalka laga hirgaliyo.

 

Garoonka diyaaradaha ee Muqdsiho ayaa waxa halkaasi ka jiray mashquul aad u badan, iyadoo garoonka lagu arkayay Muwaadiniin Soomaaliyeed oo dalka ka maqnaa mudadii bur-burka uu jiray dalka,

 

Kuwaa oo koox koox uga soo dagayay diyaaradaha rakaabka ah ee ka shaqeeya dalka kuwaa oo doonaya inay ka qeyb galaan shirka lagu wado inuu ka furmo Muqdisho maalinnimada berito ah.

 

Qaarka mid ah muwadiniintaasi dalka mudada ka maqnaa islamarkaana doonaya iney ka qeyb galaan shirweynaha Qaran ayaa waxa ay dareenkooda ku aaddan ku soo laabashada dalkooda iyo aragtida shirka ugu waramay Saxaafada iyagoo sheegay in ay ku faraxsanyihiin in dalka ay ku soo laabtaan oo ay ka qeyb galaan shir looga hadlayo aayaha dalka.

 

Malinta barito ah oo ay Taariikhdu ku beegantahey 2 sebtenber ayaa lagu wada in magalada Muqdisho uu ka furmo shirweyne oo ay ka soo qeyb galayaan dhamaan maamulada dalka ka jira iyo qeybaha bulshada Soomaalida waxaana uu socon doonaa muddo 5 maalmood kaa oo la filayo in wax wanaagsan uu uga soo baxo dadka iyo dalka.

 

 

cumar c/rashiid
cumarrashid@gmail.com

Comments are closed.