Warbixin ka soo baxday ciidamada badda ee Midowga Yurub ayaa lagu sheegay inay soo badbaadiyeen 68-qof oo tahriib ku jiray kuwaas oo ay la soo gudboonaatey xaalad khatar ah, isla markaasna doontii yareyd ee ay wateen ay biyaha la dulsabayneysay muddo seddex maalmood ah.
Sida warbixinta lagu sheegay waxaa ugu horeyntii arkay dadka diyaarad kuwa qumaatiga u kaca oo laga leeyahay dalka Japan taas oo ka qeybqaadaneysay barnaamijka ka hortaga Burcad badeeda, waxaana dadkan u gurmaday Markab dagaal oo ay leeyihiin ciidanka badda ee dalka Spain.
Kulan kooban oo ka dhacay dekadda Boosaaso gudaheeda, isla markaasna ay ka soo qeybgaleen saraakiisha amniga ee magaalada Boosaaso iyo kuwa NATO ayaa tahriibayaasha lagu wareejiyay saraakiisha magaalada Boosaaso, waxaa saxaafadda la hadlay kulanka ka dib taliye ku xigeenka qeybta booliska gobalka Bari gaashaanle Axmad Yuusuf Muuse oo sheegay in ciidamada ku sugan xeebaha ay soo badbaadiyeen dad tahriibayaal ah oo muddo seddex beri dul sabeenayey badda, isla markaana naftooda haligay, wuxuuna intaasi ku daray inay tahriibayaasha koobnaayeen 68-qof oo ka mid ah afartii waday doonida.
Ugu dambeentii Axmad Yuusuf Muuse ayaa sheegay in afarta qof ee waday doonida ay sharciga horkeenidoonaan sidii loogu qaadi lahaa dembiga ay galeen, maadaama horey Puntland ay u mamnuucday tahriibta.
C/rashiid C/laahi Xeydar
Rashiid123@gmail.com
www.jiinwebi.net
Mogadisho Somalia
Comments are closed.