Ra’isul wasaaraha Somalia oo gaaray dalka Sacuudiga iyo warar kala duawn oo ka soo baxaya socdaalkiisa

xeydar August 31, 2013 Comments Off
Ra’isul wasaaraha Somalia oo gaaray dalka Sacuudiga iyo warar kala duawn oo ka soo baxaya socdaalkiisa

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gelinkii dambe ee shalay iyagoo gaaray xalay dalka sacuudiga ,halkaasi oo ay ku soo dhaweyeen mas,uuliiyiin ka socota dowladda sacuudiga oo la sheegay inay martiqaad u fidisay ,waxaana la sheegay in inta uu jooga sacuudiga uu la kulmi doono mas,uuliyiin ka tirsan dowladda sacuudiga
Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya socdaalka ra,iisulwasaaraha dowladda soomaaliya waxayna wararka qaar ay sheegayaan inuu halkaasi u tagay arrimo cibaadeysi la xiriira, gaar ahaan inuu soo cumreysto , halka warar kale ay sheegayaan inuu halkaasi uga qeybgalayo shir aan faahfaahin laga bixin oo ka dhacayay magaalada Riyadh ee xarunta dalkaas, dowladda soomaaliya oo iyadu ka hadashay socdaalka uu ra,iisulwasaaruhu ku joogo dalka sacuudigu inuu ka dambeeyey casuumaad uu ka helay dowladda sacuudiga ,islamrkaasna uu kulamo la yeelanayo qaar kamid madaxda dalkaasi.
Wafdiga uu hoggaaminayo Ra’isul wasaaraha ayaa waxaa ka mid ahaa: wasiir-u-dowlaha wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya, Maxamed Nuur Gacal, afhayeenka xukuumadda Ridwaan Xaaji C/weli, xaaska Ra’isul wasaaraha, Caasho Xaaji Cilmi oo xildhibaanad, iyadoo Ra’isul wasaaruhu uusan saxaafadda la hadlin markii uu Muqdisho ka ambabaxay, lama oga xilliga uu dalka dib ugu soo laabanayo, iyadoo uu safarkani noqonayo kii ugu horeeyay oo uu ugu ambabaxo dal ka baxsan Qaaradda Afrika.

C/rashiid C/laahi Xeydar
Rashiid123@gmail.com
www.jiinwabi.net
Bank of Somali Rivers
Mogadisho Somalia

 

Comments are closed.