Ciidamada AMISOM iyo kuwa Jubbaland oo saaka howlgal ballaaran oo dhinaca amniga ah ka billaabay xaafadaha magaalada Kismaayo,
Howlgalka oo si wada-jir ah ay u fulinayaan ciidamada AMISOM ee ku sugan magaalada iyo ciidamada maamulka Jubbaland ayaa ah mid guri guri lagu baarayo xaafadaha magaalada Kismaayo.
Ciidamada ayaa si gaar ah u baaraya hub sharci darra ah oo maalmihii ugu dambeeyay la sheegay in la soo galiyay gudaha magaalada Kismaayo.
Ciidamada ayaa joojiyay inta badan isu socodkii gaadiidka dadweynaha, ayadoo xarumaha ganacsiga ee magaalada Kismaayo ay saaka wada xiran yihiin.
Xarumaha waxbarashada ayaa sidoo kale hakad galay. Sidoo kale isgaarsiinta magaalada ayaa hawada laga saaray.
Xaafadaha ay ka socdaan howlgalada xooggooda ah kala ah xaafadaha Farjanno, Faanoole, Shaqaalaha, Calanley iyo xaafadda Guulwade.
Sarkaal ka tirsan ciidamada Jubbaland oo lagu magacaabo Maxamuud Qaalib ayaa Saxaaada u sheegay in howlgallada oo ah kuwo la qorsheeyay ay saaka blilaabeen kaddib markii ciidamada AMISOM iyo kuwa Jubbaland ay ka war heleen warar sheegaya in hub sharci darra ah la soo geliyay xaafado ka tirsan magaalada Kismayo.
Sarkaalka ayaa ugu baaqay shacabka ku dhaqan magaalada inay la shaqeeyaa ciidanka fulinaya howlgalka.
Ciidamada AMISOM ayaa lagu arkayaa xaafadaha magaalada iyagoo si saf ballaaran ah ku socda. Sidoo kale waxaa la arkayaa ciidamo baaraya guryaha, su’aalana waydiinaya qaar ka mid ah dadka.
Ma jiraan ilaa iyo hadda dad iyo hub lagu soo qabqatay howlgallada.
cumar c/rashiid
cumarrashid@gmail.com
Comments are closed.