Ilaa lix iyo toban dukaan oo ay ku leeyihiin Ganacsato Soomaaliyeed tuulada Kokstad ee gobolka Kwazulu Natal ee dalka Koonfur Afrika ayaa la boobay 4 kalene dab ayaa la qabadsiiyay kadib markii burcad u dhalatay dalkaasi oo careysan ay kula kaceen falkani ganacsatada Soomaalida ah,
Boobkani ayaa la sheegay inuu ka dambeeyay ka dib markii uu khilaaf soo kala dhex galay dadka deegaankaasi waxaana cagta ay mariyeen xili ay banaanbxayeen goobahaasi ganacsi oo ay lahaayeen muwaadiniintaasi Soomaaliyeed inkastoo aysan dhicin dhimasho iyo dhaawac soo gaaray ganacsatadaasi Soomaalida ah.
Ganacsatadaasi oo qaarkood lasoo xiriiray Saxaafada ayaa sheegay in Khasaaraha hantiyeed ee soo gaaray lagu qiyaasayo ilaa shan boqol oo kun oo dolarka Maraykanka ah, sidoo kale waxaa boobkaasi loo geystay Dukaamo kale oo ay leeyiihin Ethiopian iyo Bangaladesh,
Ciidamada booliiska oo soo gaaray Dukaamada oo boobka loo gaystay ayaa Ganacsatada Soomaaalida halkaasi ka daad gureeyay, waxaana dhacdadani loo qabtay ku dhawaad afartan qof oo Koonfur Afrikaan ah,
Goboka Kwazulu Natal ayaa ahaa gobolada ugu wanaagsan xaga boobka waxaan ganacsiyo badan ku leh Soomaali farabadan,
cumar c/rashiid
cumarrashid@gmail.com
Comments are closed.