Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobalka Jubadda hoose ayaa ku waramayaa inuu saaka halkaasi ka dhacay qarax khasaro geestay.
Qaraxa oo ahaa miinada nooca dhulka lagu aaso ayaa dadka deegaanka ay inoo sheegeen in lala eegtay ciidan ka tirsan kuwa Axmed Madoobe ee Kismaayo ku sugan.
Wuxuu ka dhacay qaraxa inta udhaxeysa Isbitaalka Magaalada Kismaayo iyo Saldhiga Magaaladaasi,iyadoo lala eegtay gaari ay saarnaayeen ciidanka Axmed madoobe.
Ilaa labo askari ayaa lasoo warinayaa inay halkaasi ku geeriyoodeen,inkastoo ay suuragal tahay in khasaaraha intaasi uu ka badan yahay.
Dhaawacyo ayaa lasoo sheegayaa inuu jiro,laakiin lama haayo tirada rasmi ah ee ciidanka soogaaray.
Qaraxa kadib ciidanka ayaa bilaabay howlgal ay ku xaqiijinayaan ammaanka ayna ku baadigoobayaan cidii ka dambeysay qaraxa.
cumar c/rashiid
cumarrashid@gmail.com
Comments are closed.