Mas’uuliyiin ka socotay wakaaladda xooga krorntadda soomaaliyeed, qaar ka mid ah shirkadaha korontada ee dalka ka howlgala iyo marti sharaf kale ayaa ka soo qeyb galay munaasabad lagu soo bandhigayay shirkad cusub oo ka shaqeneysa arrimaha koronto dhalinta soomaaliya taasoo lagu magacaabo TEKNOPOWER.
Shirkadan TEKNOPOWER ee maanta looga dhawaaqay magaaladda muqdisho ayaa waxa ay soo bandhigtay matooro ay uga howl gali doonto magaalada muqdisho kuwaasi oo korontadda lagu dhaliyo,
Waxaana dhamaan injineeradii munaasabada ka soo qeyb galay oo isugu jiray soomaali iyo ajaanib ay sheegeen in qorshaha hirgalinta shirkadan koronto dhalinta ee TEKNOPOWER uu muddo badan soo socday,islamarkana lagu guuleystay in xafiiskeeda weyn laga furo magaaladda muqdisho.
Maamulaha shirkadda koronto dhalinta ee TEKNOPOWER Maxamed Daahir oo ugu horeyn munaasabada furay ayaa ka hadlay ujeedka shirkadan loo aas-aasay,iyo qalabka ay keentay waxyaabaha uu kaga duwanayahay qalabka shirkadaha kale.
“Waxa aan dooneenaa in aan ka qeyb qaadano dib u dhiska dalka,shirkadan Teknopower waa shirkad soomaaliyeed oo u dhisan in uu wax ka qabto baahida tamarta korontada ee dhamaan dalkeena,
Waa shirkda mudo yar jirta laakiin xiriir iyo wada shaqeeyn buuxda oo xaga ganacsiga ah la leh shirkado waaweeyn oo muddo soo jiray oo dalka dibadiis aka howl gala badankoodana soo shaqeeynayay mudo dheer oo ka badan 100 sano”ayuu yiri Maxamed Daahir
Shirkadan oo ay ka howlgalayaan injineero ukala dhashay dalalka Soomaaliya,Kenya,Uganda,Tanzania,Eithopia,Jabuuti iyo Ereteria ayaa qaar ka mid ah injineradii kulanka ka soo qeyb galay munaasabada waxa ay goobta ku soo bandhigeen muuqaalo ku saabsan hadafka shirkadan loo aas-aasay.
Prof C/raxmaan Sayid Axmed oo ka mid ah mas’uuliyiinta wakaaladda Xooga korontada soomaaliyeed ayaa wax lagu farxo ku tilmaamay shirkadda koronto dhalinta ee TEKNOPOWER ee laga hirgaliyay magaaladda muqdisho,
Isagoo nasiib wanaag ku tilmaamay in inta badan shirkadaha ka shaqeeya dhanka korontada ay isku tageen marka laga reebo kuwii burburay,islamarkaana ay bulshada soomaaliyeed u qabteen shaqo badan.
Prof C/raxmaan ayaa sheegay in loo baahanyahay shirkado kale oo guud ahaan dalka gaarsiiya awood korontada.
Tan iyo markii dalka uu galay wejiga cusub ee dhinaca horumarka ayaa waxaa soo badanayay shirkadaha kala duwan ee dalka maal-gashanaya kuwasoo ka qeyb qaadanaya soo celinta adeegyada bulshada.
cumar c/rashiid
cumarrashid@gmail.com
Comments are closed.