Ugu yaraan saddex qof ayaa ku dhimatay hal qof oo kalena waa uu ku dhaawacmay dagaal beeleed shalay gelinkii dambe ka dhacay deegaanka Deefow oo 22 km waqooyi galbeed kaga beegan magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.
Dagaalka ayaa ka dhashay dhul beereed ku yaalla deegaanka, sida ay Saxaafada u xaqiijiyeen xubno ka tirsan maamulka gobolka Hiiraan oo gaaray goobta uu dagaalku ka dhacay.
Xubnaha Maamulka ee gaaray deegaanka uu dagaalku ka dhacay ayaa ku guuleystay inay kala qaadaan labada maleeshiyo beeleed.
Maamulka gobolka Hiiraan ayaa maanta qabanqaabinaya kulan la isugu keenayo beelahaasi wada dega, si loo soo afjaro colaadda billaabatay.
cumar c/rashiid
cumarrashid@gmail.com
Comments are closed.