Ku dhawaad 314 arday Soomaaliyeed ayaa maanta u fariistay imtixaan ku aadan deeq waxbarasho oo Dowladda Soomaaliya ay ka heshay dalalka Suudaan iyo Yemen.
Ardeydaan maanta u fariisatey imtixaanaadka oo tiradoodo ahayd 314, ayaa ah kuwa imtixaanka u galaya in ay u soo baxaan ardayda ka faa’iideysanaysa deeqahaasi waxbarasho ee ay dowladdu u soo bandhigtay,
Ayadoo laga doonayo ku dhawaad 200 oo arday oo ku soo baxda imtixaanka, kuwaasi oo u socdaali doona dalalka Sudaan iyo Yemen oo ay Dowladda Soomaaliya ka heshey deeqo waxbarasho oo heer Jaamacadeed ah.
Ismaaciil Yuusuf Agaasimaha Waaxda Tacliinta sare iyo daraasaadka dibadda ee Wasaaradda adeega Bulshada qeybta waxbarashada oo ka hadlay “Maanta oo taariikhdu tahay 25 August 2013, waxaan qabanay imtixaankii deeqaha waxbarasho ee ay maalmahaan ardaydu isu diiwaan gelinayeen,
Tani waxa ay qayb ka tahay in aan ku dadaalno deeqaha oo aysan noqonin mid la musuq maasuqo, waxaana arrintaani gacan nagu siiyay guddi sagaal xubnood ka kooban oo ay horey Wasaaraddu u magacaawday” ayuu hadalkiisa ku daray.
Ardayda maanta imtixaanka u fariistay ayaa sheegay in ardayda imtixaanka maanta u fadhiisatay ay heli doonaan mid waliba natiijadiisa.
70-kamid ah ardayda ayaa ah hablo halka 244 ay yihiin dhalinyaro rag ah kuwaasi oo dhamaantood ahaa kuwa u diyaargaroobeen gelida imtixaanka.
Ardayda ayaa imtixaanka ku galay iskuulka Maxamuud Mire ee Magaalada Muqdisho,iyadoo ay soo bixi doonaan ardaydii ku guuleesta waxbarashada.
Agaasimaha tacliinta Sare ee Wasaarada adeega Bulshada ayaa balan qaaday in ardayda si wanaagsan loogu kala cadaalad qaadi doono.
cumar c/rashiid
cumarrashid@gmail.com
Comments are closed.