taariikh Nololeedka Madaxweynaha Cusub

xeydar September 11, 2012 Comments Off
taariikh Nololeedka Madaxweynaha Cusub

Madaxweynaha cusub ee dowladda Soomaaliya Prof. Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu dhashay sanadkii 1955-tii, wuxuuna ku dhashay degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan, wuxuu waxbarashadiisa Dusgisa hoose ku soo qaatay isla degmada Jalalaqsi, dugsigiisa dhexe iyo sare waxa uu ku qaatay magaalada Muqdisho, sidoo kale waxa uu ka soo qalinjebiyay Jaamacaddii Ummadda Soomaaliyeed, ka dibna waxa uu waxbarasho u aaday dalka Hindiya.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud sanadkii 1988-dii waxa uu shahaadada Master’s Degree ka soo qaatay Jaamacadda Bhopal University ee dalka Hindiya, sidoo kale bartamihii sanadkii 1993-dii waxa uu Madaxweyne Xasan Sheekh xilka sarkaalka waxbarashada ee bartamaha iyo Koonfurta Soomaaliya ka ahaa Hay’adda Qaramada Midoobay, gaar ahaan qeybta maalgelisa gurmadka daryeelka caruurta ee the United Nations International Children’s Emergency Fund, wuxuuna xilkaasi hayey tan iyo markii ay ciiddamada UNOSOM ee howlgalka Soomaaliya {The UN Operation in Somalia’ ka baxeen gudaha dalka Soomaaliya sanadkii 1995-tii}.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud sanadkii 1999-kii waxa uu ka mid ahaa howlwadeenadii asaasay Machadka Horumarinta Maamulka iyo Maareynta ee Somalia {The Somali Institute of Management and Administration Development} oo markii dambe loo bixiyey Jaamacadda Simad oo ay dhigtaan haatan arday gaareysa 4000-kun oo arday ah, waxaana ka qalinjebiyay kumanaan arday ah.
Prof. Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu sanadkii hore ee 2011-kii asaasay isla markaasna uu Guddoomiye k anoqday Xisbiga Nabadda iyo Horumarka {The Peace and Development Party}, Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya waxa uu ku hadlaa luqadaha kala ah Soomaali iyo Ingiriis iyo Carabi, waana aqoonyahan, siyaasi iyo u- loleeye dadka danyarta ah, wuxuuna muddo dheer la soo shaqeeyey ururadda caalamiga ah iyo kuwa aan dowliga aheyn ee ka shaqeeya nabadda iyo horumarinta, Madaxweyne Xasan Sheekh waxa uu ka dhashay qabiilka Hawiyaha, gaar ahaan beesha Abgaal oo uu ka sii yahay Waceysle.

Sidoo kale Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Prof. Xasan Sheekh Maxamuud waa aqoonyahan, u dhaqdhaqaaqe siyaasadeed iyo bulsho kaas oo ka soo shaqeeyay dhowr urur oo maxalli iyo caalamiba ah oo ka shaqeeya horumarinta iyo nabadda, wuxuuna sheegay inuu dalka ku soo dabaali doono amni iyo xasilooni, sidoo kalena waxa uu balanqaaday inuu isbedel dhan kasta uu keeni doono.
Ugu dambeyntii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu ka mid yahay sida la sheego urur diimeedka Al-islaax, inkastoo uu sheego inuusan ka mid aheyn urur diimeedkaasi balse uu ku leeyahay saaxiibo ay u dhaxeyso nafta oo keliya, haddana waa lagu tiriyaa inuu ka mid yahay, sidoo kale Madaxweynuhu waxa uu sheegay mar uu la hadlayey warbaahinta intii uu waday ololihiisii doorashada uu ugu soo baxay inuusan weligiis ka mid noqon urur diimeedyada dalka ka jira sida Al-Islaax, Al-Itixaad, Al-shabaab, Ahlu Sunna, Saalixiyaha, Qaadiriya, Axmadiya, Aala Sheekh iyo dhammaan qeybaha kala duwan urur diimeedyada dalka ka jira, fiiro gaar ah waxaan idiin soo gudbin doonaa taariikh nololeedka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo dhameystiran haddii uu Alle idmo.

C/rashiid C/laahi Xeydar
Rashiid123@gmail.com
www.jiinwebi.net
Mogadisho Somalia

 

Comments are closed.