Magaalada Baydhabo Qarax lagu weeraray ciidanka dowlada

jiinka August 25, 2013 Comments Off
Magaalada Baydhabo Qarax lagu weeraray ciidanka dowlada

Xarunta gobolka Baay ayaa ku waramaya in xalay qaraxa magaaladaasi lagula eegtay ciidamo ka tirsann xoogga dalka Soomaaliyeed oo ku sugnaa bartamaha magaalada Baydhabo.

 

Qaraxa oo sida la sheegay ahaa Bamka gacanta laga tuuro ayaa waxaa lagu weeraray fariisin ay ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya ku lahaayeen bartamaha magaalada Baydhabo,

 

Waxaana la tilmaamay in qaraxaasi uu khasaaro dhaawac u badan gaarsiiyey ciidankii la weeraray sida ay ku waramayaan dadka deegaanka.

Saraakiisha ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya ee gobolka Baay ayaan wax tafaasiil ah ka bixin qarax lagu weeraray fariisinka ciidan ee Milateriga dowladda Soomaaliya ay ku leeyihiin magaalada Baydhabo,

 

Ciidamada ayaa qaraxa kadib sameeyey baaritaano ay ku baadi doonayaan kooxihii weerarka ka danbeeyey.

Magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay oo dhawaan ay faarujiyeen ciidankii Ethiopia ee mudada ku sugnaa ayaa waxaa xliyada habeenkii ah ka dhacay qaraxyo iyo dagaalo toos ah oo lagu qaado xarumaha ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ay ku leeyihiin magaaladaasi.

 

 

 

cumar c/rashiid
cumarrashid@gmail.com

Comments are closed.