Qarax Waxyeelo Geystay Oo Afgooye Ka Dhacay

jiinka August 24, 2013 Comments Off
Qarax Waxyeelo Geystay Oo Afgooye Ka Dhacay

Sadex ruux ayaa geeriyootay todobo kalena waa ay dhaawacmeen kadib qarax miino oo maanta ka dhacay degmada Afgooye ee gobolka Shabelada Hoose gaar ahaan agagaarka boosteejada Xamar halka loo yaqaano Haanta Dheer sida ay dadka deegaanka xaqiijiyeen.

 

Qaraxa oo ahaa miino nooca dhulka lagu aaso ayaa dadka deegaanka waxa ay xaqiijiyeen in ay la kaxday ama ay ku qaraxday gaari nooca Soomaalidau taqaano iska rogaha kadib markii uu ku istaagatay,

 

Ayadoona la sheegayo in miinadani qaraxday laga war hayay in ay ku aasan tahay wadada maalmihii dambena ciidamo AMISOM ka tirsan ay isku dayayeen in ay halkaasi ka saaraan.

 

Degmada Afgooye ee gobolka Shabelada Hoose ayaa mararka qaar waxaa ka dhaca qaraxyo iyo dilal qorsheysan, ayadoona maamulka degmada marar badan ay sheegeen in ay wax ka qabteyn

 

 

cumar c/rashiid
cumarrashid@gmail.com

Comments are closed.