Guddoomiyihii Olombikada Soomaaliyeed Oo laku dilay degmada Dharkeenley

jiinka August 24, 2013 Comments Off
Guddoomiyihii Olombikada Soomaaliyeed Oo laku dilay degmada Dharkeenley

Rag hubeysan ayaa shalay galinkii dambe dil ugu geystay magaalada Muqdisho guddoomiyihii Olombikada Soomaaliyeed ee degmada Dharkeenley ee gobolka Banaadir.

 

Labo nin oo dhallinyaro ah oo ku hubeysnaa bastoolado ayaa ku dilay Amiin Cali Mu’min afaafka hore ee gurigiisa oo ku yaalla degmada Dharkeenley.

 

Guddoomiyaha degmada Dharkeenley, Macallin Cabdulle Hilowle oo la hadlay Saxaafada ayaa sheegay in la toogtay Amiin Cali mar uu ka yimid ciyaaro ka socday garoonka degmada.

 

Guddoomiyaha wuxuu sheegay in ciidanka ammaanka ay ku raad-joogaan ragga dilka geystay oo isla marka ay falka dilka ah geysteen ka baxsaday goobta.

 

 

cumar c/rashiiid
cumarrashid@gmail.com

Comments are closed.