Waxaa Magaalada Baydhabo ee xaruunta gobolka Baay ka dhacay xalay qaraxyo nooca bambada gacanta laga tuuro ah, kuwaasi oo lala eegtay meel ay ku sugnaayeen saraakiil ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Weerarada qaraxyada ee ka dhacay Baydhabo lama xaqiijin ilaa hadda khasaaraha ay geysteen, waxaana ilaa maanta gelinkii hore la sheegayaa in ay baaritaano ka socdaan gudaha magaaladaasi.
weerarada lagu qaaday Hotel ku yaala gudaha magaalada oo ay degan yihiin, saraakiil ka tirsan kuwa dowladda iyo AMISOM, sidoo kale waxaa hotelka joogay qaar ka mid ah Garsoorayaasha gobolka.
Lama sheegin in khasaare soo gaaray saraakiisha, waxaana hay’adaha ammaanka gobolka Bay ay si cad u sheegeen in ay baaritaano socdaan, oo aysan ka hor dhacayn natiijada ciidamada ammaanka.
Magaalada baydho mudooyinkii u dambeeyay waxaa ku soo badanayay dilalka qorsheysan iyo qaraxyo,kuwaasi oo intooda badan lagula bartilmaamaydsaday ciidamada Dowladda Soomaaliya.AMISON iyo madaxda Dowladda ee gobalkaasi.
cumar c/rashiid
cumarrashid@gmail.com
Comments are closed.