Barakacayaasha Ku Nool Xaalad oo aad u liidato ayaa soo wajahday qoysas barkacyaal ah oo ku nool dagmada Jalalaqsi ee gobalka Hiiraan kuwaa oo dalbaday in la caawiyo.
Nolosha dadka barakacayaasha ah ee ku nool degmada Jalalaqsi ayaa sii xumaaneysa marba marka ka dambeeysa maadaama Jalalaqsi ay ka mid ah degmooyinka ka tirsan gobolka Hiiraan ee wali ku jira gacanta haraadiga Al- Shabaab.
Qaar ka mid ah horjoogayaasha Kaamamka barakacayaasha ee ku yaala Jalalaqsi oo la soo xiriiray Saxaafada ayaa ka codsaday dowlada in marka hore laga xoreeyo al- Shabaab oo iyagu u diiday gurmadkii ay gaarsiin lahaayeen hey’adaha samafalka.
Dhinaca kale barakacayaasha ayaa sheegay in al- Shabaab ay ku amreen ineysan u guuri Karin meelaha ay dowladu ka taliso si ay u raadsadaan nolol dhaanta tan ku heysata Jalalaqsi.
Barakacayaasha ayaa sidoo kale ka cabanaya dhibaatooyin dheeraad ah oo ay ku hayaan al- Shabaab kuwaas oo sida ay sheegeen caruurtooda xoog uga kaxeysta si ay ugu adeegsadaan dagaallada fidnada ah oo ay ka wadaan dalka.
cumar c/rashiid
cumarrashid@gmail.com
Comments are closed.