Dowladda Sweden ayaa xaqiijisay in haweeney Swedish ay ku dhaawacantay weerar koox dabley ah ay maanta magaalada Muqdisho ka geysatay, kaasoo sidoo kale lagu dilay laba qof oo kale.
Afhayeen u hadashay wasaaradda arrimaha dibedda ee e Sweden oo lagu magacaabo Camilla Akesson Lindblom ayaa sheegtay in dhaawaca haweeneyda la geeyay isbitaalka Xalane ee ay AMISOM maamusho, saacado halkaas lagu daweynayey kaddibna loo duuliyey magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya.
Haweeneyda dhaawacantay oo lagu magacaabo Ann-Margarethe Livh ayaa waxay ka tirsan tahay xisbiga garabka bidix ee dalka Sweden.
Warbaahinta dalka Sweden ayaa baahisay sida ay ka soo xigatay qoyskiisa in nin Soomaali-Swedish ah oo la yiraahdo Cabdiraxmaan Xasan uu weerarka Muqdisho ka dhacay ku dhintay, laakiin dowladda Sweden ma xaqiijin geeridiisa.
Weerarkan ayaa yimid waxyar kaddib markii Ann-Margarethe Livh ay ka soo laabatay jaamacadda Soomaaliya oo ay khudbad ka soo jeedisay.
cumar c/rashiid
cumarrashid@gamail.com
Comments are closed.