Ujeedada shirkan ayaa ah sidii loo heli lahaa sharci iyo nidaam lagu hago sharciga maalgashiga dalka si loogu guuleysto dib-u-soo celinta ilihi dhaqaale ee dalka oo meesha ka baxay 20kii sano ee la soo dhaafay .
Kulanka ayaa waxaa ka soo qeyb galay ma’suuliyiinta rugta ganacsiga Soomaaliyeed, aqoonyahano, qubaro ka socda gudaha iyo dibeda dalka, culimaa’udiin iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.
Qaar kamid ah quburadii ka soo qeyb gashay kulankaasi ayaa soo bandhigay macluumaad ku saabsan ahmiyada uu leeyahay in maalgashi lagu sameeyo dalka,
Waxaana kamid ahaa qodobada ugu muhiimsan in maalgashiga shisheeye uu qeyb ka noqonkaro abuurista fursado shaqo, sare u qaadista dhaqaalaha dalka iyo in ay shirkadaha iyo ganacsatadu ay tartamaan, taasi oo horumar lagu gaarikaro.
Guddoomiyaha rugta ganacsiga Soomaaliya Maxamuud Cabdi Cali “Gabayre” oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay in shirkaan uu muhiim u yahay ganacsatada Soomaaliyeed, maadaama uu fursad u siinayo in ay xoojiyaan ganacsigooda oo ay ka faa’iideystan dhanka maalgeshiga.
Sidoo kale Agaasimaha rugta ganacsiga Cabdi Abshir Dhoore oo isna goobta ka hadlay ayaa sheegey in shirkan u socon doono mudo labo maalmood ah kadibna la soo saari doono warmurtiyeed ku aadan natiijooyinkii soo baxay.
“Waxaan rajeynayaa in kulanka ay ka soo baxaan talaabooyin horumar leh, sidoo kalena fursado u noqon karta in la horumariyo ganacsiga dalka iyo maalgeshiga shisheeyaha” ayuu hadalkiisa ku daray.
Dhawaan ayay ahayd markii kulan kan lamid ah ay la qaateen gudiga dhaqaalaha Warshadaha iyo ganacsiga ee baarlamaanka Soomaaliya, waxaana lafilayaa in ugu dambeynti loo gudbiyo baarlamaanka.
cumar c/rashiid
cumarrashid@gmail.com
Comments are closed.