Khabiir ka socday xiriirka kubadda cagta aduunka ayaa tababar mudo 5 maalmood soconayay u soo gabagebeeyay macalimiin soomalaiyeed.
Tababarkan ayaa markii u dhamaaday waxaa shahaadooyin la gudoonsiiyay macalimiintii ka faa’ideeystay oo kor u dhaafeeysay ilaa 30 macalin.
Munaasaabadii lagu soo gabagabeeynayay tababarkan oo ahaa mid kor loogu qaadayay aqoonta macalimiinta soomaaliyeed ee dhanka kubadda cagta ayaa waxaa ka qeyb galay wasiir ku xigeenka wasaarada adeega bulshada Maxamuud Macalin Yaxye iyo mas;uuliyiin ka tirsan isboortiga.
Markii uu tababarka dhamaaday ayaa khabiirka ka socday xiriirka kubadda cagta aduunka iyo mas;uuliyiinta isboortiga ee dalkeena waxa ay booqdeen garoonka kubadda cagta ee Banaadir halkaasi oo tababar uu xiriirka kubadda cagta aduunka ku siinayo caruur soomaaliyeed oo ay da’doodu u dhaxeeyso 6-12sano.
cumar c/rashiid
cumarrashid@gmail.com
Comments are closed.