Kooxo hubaysan ayaa goordhaweyd ilinka hore ee Jaamacada Soomaaliya Degmada Hodan ku hor dilay wiil la sheegay inuu ahaa turjumaan iyo Askari Soomaaliyeed.
Falkaan ayaa wuxuu ka dambeeyay kadib markii kooxo hubaysan ay weerar ku qaadeen haweenay udhalatay dalka Sweden oo Jaamacada Soomaaliya ka bixisay maanta cashar ku saabsan Dowladda wanaaga xilli ay kasoo baxeysay albaabka Jaamacada.
Ilaa hada waxaa la xaqiijiyay geerida labo ruux oo kala ah wiilka turjumaanka ah iyo askari ilaalada u ahaa haweenayda.
Dhaawaca haweenayda udhalatay dalka Sweden ayaa waxaa loola cararay isbitaalka,maadaama dhaawac uu soo gaaray inkastoo dhaawacooda inuu fudud yahay iyo inuu culus yahay aan lakala saari karin.
Comments are closed.