Maamulka Puntland ee magalaada Gaalkacyo ayaa diiday inay la kulmaan wafdi ka socday dowladda soomaaliya oo hadda ku sugan K/gaalkacyo kaas oo halkaasi u tagay inuu wadahadlo kala yeesho dadka ku nool gobolkaasi arrimo la xiriira qorsha Niyuu dhiil ku aadan baahiyaha dhinaca horumarinta ee qabaan dadka gobolada soomaaliya si loogu gudbiyo shirka midowga yurub kayeelanayo arrimaha Soomaaliya ee la sheegay in dhaqaale loogu yaboohayo dalka Soomaaliya iyadoo la tixgalinayo gobol walba baahiyaha ka jira.
Wasiir ku xigeenka maaliyadda Soomaaliya Abuukar Cabdi Ibraahin oo hadda kku sugan koofurta magaalada gaalkacyo oo uu wadahadalo kula leeyahay maamulka galmudug si wax looga weydiiyo baahiyaha uu maamukaasi qabo ayaa mar la weydiiyey wasiir ku xigeenka inay la kulmayaan dadka ku sugan dhinaca uu maamulka Puntland ka maamulo magaalada Gaalkacyo waxa uu sheegay inay la xiriireen balse mas’uuliyiinta maamulka Puntland ee ku sugan waqooyiga Gaalkacyo ay ka cudurdaarteen la kulanka wafdigaasi sida wasiirku sheegay isagoo xusay inay tagayaan gobolo kale oo Soomaaliya ku yaall si dadka ku nool goboladaasi ay wax uga weydiiyaan baahiyaha ay qabaan.
Wasiir ku xigeenku waxa uu sheegay in inta aan shirkaasi la tagin ay la kulamyaan dhamaan qeybaha bulshada Soomaaliyeed ee ku nool gobolda dalka, isla markaasna ay shir hor dhac ugu qabanayaan dad ka socda gobolada dalka magaalada Muqdisho, isagoo xusay inay doonayaan in shirkaasi ay la tagaan qorshe dhameystiran oo ku saabsan baahiyaha kala duawan oo ay dadka soomaaliyeed u baahan yihiin.
Mar la weydiiyey waxa ay ka yeelayaan gobolada aysan tagikarin wafdigoodu waxa uu sheegay in dad ka socda goboladaasi oo dadkooda matela ay shir uga qabanayaan magaalada muqdisho, ka dibna ay baahiyahooda weydiinayaan ,isagoo xusay inaysan jiri doonin cidd laga tagayo.
C/rashiid C/laahi Xeydar
Rashiid123@gmail.com
www.jiinwabi.net
Bank of Somali Rivers
Mogadisho Somalia
Comments are closed.