Jowhar Oo Ka Dhacayn Dibadbax MSF Ka Bixida Dalka

jiinka August 19, 2013 Comments Off
Jowhar Oo Ka Dhacayn Dibadbax MSF Ka Bixida Dalka

Isku soo bax lagu muujinayay sida dadweynaha ku nool gobalka Shabelaha Dhexe ay uga xunyihiin ka bixitaankii hay’adda M.S.F ee Dalka Soomaaliya ayaa lagu Qabtay magaalada Jowhar ee xarunta gobalka Sh/ Dhexe.

 

Dadka dibad baxayay oo ahaa haween iyo caruur ayaa waxa ay ku qeylinayeen sida ay uga xunyihiin ka bixitaanka dalka ee hey’ada MSF. waxeyna sheegeen in ay iyaga aad u saameyneyso bixitaanka hey’adaasi.

 

Dibadbaxayaasha ayaa waxaa la hadlay qaar ka mid ah odayaasha dhaqanka iyo gudoomiyaha degmada Jowhar Maxamed Cismaan Caqiil oo iyagu muujiyay sida ay uga xunyihiin in haweenka iyo caruurtu ay dareemaan adeegyadii caafimaad ee hey’ada MSF u qaban jirtay ummadda Soomaaliyeed.

 

‘’Waxaa horteyda taagan ururkii haweenka degmada Jowhar kuwaas oo usoo banaanbaxay hey’ada MSF oo joojisay howlihii ay ka heysay Soomaaliya,

 

Taas oo reer Jowhar dhibaato badan ku noqotay, waxey leeyihiin haweenku haddii MSF joojisay howleheedii waa in shaqaalaheda Soomaalida ah ay sii wadaan adeegyadi caafimaad’’ Sidaasi waxaa yiri gudoomiyaha degmada Jowhar Maxamed Cismaan Caqiil.

 

Dadka ayaa ka cabsi qaba iney waayaan adeegyadii caafimaad ee ayka heli jireen Cisbitalka degmada Jowhar oo ay gacanta ku heysay hey’ada MSF Spain.

 

 

 

cumar c/rashiid

cumarrashid@gmail.com

Comments are closed.