C/raxmaan Faroole:- Haddii ay Madaxweyne ku soo baxaan madaxdii hore ee dowladda KMG, Puntland ma ogolaan doonto

xeydar September 9, 2012 Comments Off
C/raxmaan Faroole:- Haddii ay Madaxweyne ku soo baxaan madaxdii hore ee dowladda KMG, Puntland ma ogolaan doonto

Madaxweynaha maamulka Puntland C/raxmaan Sheekh Maxamed {Faroole} ayaa ka hadlay arrimaha doorashada Madaxweynenimada Soomaaliya iyo isbaheysi uu sheegay inuu ka dhex-bilowday labada Shariif, kuwaas oo uu ku eedeeyay inay doonayaan inay kursiga madaxtinimada dalka dib ugu soo laabtaan markale, kuwaas oo uu ku eedeeyay inay ku fashilmeen intii ay xilka hayeen arrimha Soomaaliya.
Sidoo kale C/raxmaan Faroole waxa uu sheegay inay ka digayaan in la musuqmaasuq doorashada madaxweynenimo ee dalka oo dhaceysa berri oo isniin ah, wuxuuna ku hanjabay in haddii la musuqmaasuqo inay qaadan doonaan go’aan iyaga u gaar ah, isla markaasna Puntland ay ka tashan doonto sida uu yiri aayaheeda gaarka ah, isagoo ku baaqay inaan la carqaladeynin arrimaha doorashada Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya.
“Annagu weligeen raq dultaagnaanmeyno ee waxaa loo baahanyahay in madaxdii hore ay booska u baneeyaan dad cusub oo isbedel keeni kara, waxaana naga go’aan ah in haddii ay meesha yimaadaan dad aan istihaahil xilka Madaxweynenimada Soomaaliya inay tashan-doonto Puntland oo go’aan cad ka qaadan doonto arrimaha Soomaaliya” ayuu yiri C/raxmaan Faroole oo sidoo kale yiri “Waxaan kaalin buuxda ku laheyn heshiiskii Road map ee Soomaaliya looga saarayay xilliga KMG, waana soo dhaweynaynaa in Soomaaliya ay ka baxdo KMG-nimada, balse ma ogolaanayno in doorashada la lunsado”.
Faroole mar la weydiiyey in hadalka ka soo yeeray uu hanjabaad yahay ayaa waxa yiri “Ma aha hanjabaad ee waa arrin dastuuri ah waxa aan ka hadlayo, dastuurka Puntland ayeyna ku taalaa in Puntland ay tashan karto marka ay weydo in wax la qabsata, ragga hogaanka hadda weli siihaya waxay doonayaan inay isbaheysi sameeyaan oo ay iskaashadaan si ay xilka markale ugu soo noqdaan, taasina waa wax aan la aqbali Karin oo aan marnaba suuragal aheyn”.
Sidoo kale war ka soo baxay maamulka Puntland ayaa waxay ugu baaqeen Xildhibaanada cuusb ee Baarlamaanka Soomaaliya inay doortaan hogaamiyeyaashii hore loo tijaabiyey ee ku guul-dareystay howlihii loo idmaday, balse loo baahanyahay in la doorto hogaamiye daacad ah oo dalka iyo dadka Soomaaliyeed ku hoggaamin kara jidka wanaagsan, waxaana warka lagu yiri “Haddii lagu soo doorto hogaamiyeyaashii guuldareystay si aan cadaalad aheyn, Puntland waxay qaadanaysaa go’aan ay aayaheeda uga tashanayso, si waafaqsan dastuurka u yaala”.

C/rashiid C/laahi Xeydar
Rashiid123@gmail.com
www.jiinwebi.net
Mogadisho Somalia

Comments are closed.