Qarax Kismaayo Lagula Eegtay Ciidamada A.Madoobe

jiinka August 19, 2013 Comments Off
Qarax Kismaayo Lagula Eegtay Ciidamada A.Madoobe

Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobalka Jubadda hoose ayaa sheegaya in qarax uu ka dhacay Magaaladaasi.

 

Qaraxa oo ahaa miinada nooca dhulka lagu aaso ayaa waxaa lala eegtay baabuur ay wateen ciidanka Axmed Madoobe ee ku sugan Magaalada Kismaayo.

 

Ilaa hada si rasmi ah looma oga khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay qaraxaasi,balse wararka ayaa sheegaya inuu jiro khasaaro ciidanka soo gaaray.

 

Xaafada Faanoole gaar ahaan nawaaxiga Masjidka Xaaji Jaamac ayaa la sheegay in qaraxa uu ka dhacay xili ciidanka Raaskaambooni ay wateen gaari noociisa uu yahay Toyota Surf.

 

 

cumar c/rashiid
cumarrashid@gmail.com

Comments are closed.