Wasaaradda Adeegga Bulshada ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa faahfaain ka bixisay halka ay marayaan howlaha diiwaan gelinta Ardayda Imtixaanaadka ugalaya Deeqaha Waxbarasho ee dowladda Soomaaliya ay ka heshay Dalalka Suudan iyo Yemen
Agaasimaha Waaxda Tacliinta Sare ee Wasaaradda Ismaaciil Yuusuf Cusmaan oo la hadlayay Saxaafada ayaa shaaca ka qaaday in ay si habsami leh ku socdaan howlaha isdiiwaan gelinta ah ee ku aadan deeqaha waxbarasho ee ay Wasaaraddu ka heshay Dalalka Sudan iyo Yemen,
Isagoo intaa ku daray in Yemen ay ka heleen 90 halka ay Dalka Sudan ka heleen 180, kuwaasi oo uu xusay in ay ka faa’iideysan doonaan ardayda Soomaaliyeed.
“Ardayda isdiiwaangelineyso sharuudaha laga rabo waxa ay tahay in ardaygu uu haysto shahaado dugsi sare ah oo la aqoonsanyahay, lacag diiwaan geli ah iyo in uu iskuulkiisa ka wato warqad asluub wanaag ah,
Teeda kale ardayga intaas ku guuleysta waxa uu galayaa imtixaan laga qaadayo ardayda ka faa’iideysanaysa deeqahan waxbarasho” ayuu yiri Ismaaciil Yuusuf Cusmaan.
Agaasimaha Waaxda Tacliinta Sare ee Wasaaradda horumarinta adeega bulshada ayaa xusay in ay jiraan guddi loo xilsaaray qaadista imtixaanaadka ardayda ka faa’iideysanaysa deeqaha waxbaraso,
Waxaana uu intaa ku daray in guddiga ay ka koobanyihiin sagaal xubnood laguna kalsoonyahay howsha loo xilsaaray” ayuu hadalkiisa ku daray.
Qaar ka mid ah ardayda isdiiwaan gelisay oo dhankooda la hadlay Saxaafada ayna xusayn in ay aad ugu faraxsanyihiin fursadaha waxbarasho ee ay Wasaaradda Horumarinta adeega bulshada Agaasinkeeda Waxbarashada u soo bandhigtay ardayda Soomaaliyeed deeqo waxbarasho oo laga helay dalalka Sudan iyo Yemen.
Tani waxa ay qayb ka qaadan kartaa horumarinta waxbarashada dalka, iyadoo sidoo kale ay farxad ku abuureyso dhalin yaro badan oo dalka gudahiisa wax ku barta, kuwaasi oo doonaya in ay waxbarashada ka gaaraan heer sare.
cumar c/rashiid
cumarrashid@gmail.com
Comments are closed.