Wabiga Shabeelle oo ku soo fatahay tuulada Beerrey ee gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa baab’iyay beero ku yaalla tuuladaas.
Cabdullaahi Mayow Nuur oo ka mid ah dadka beeraleyda ayaa Jiin-webi u sheegay in fatahaadda ay timid xilli ay beerteen dalag uu ka mid yahay galleyda.
Wuxuu tilmaamay in dibadda ay u soo baxeen xayawaanno ay ka mid yihiin Yaxaaska kuwaasoo waxyeeleyn kara dadka tuulada.
Cabdullaahi ayaa ka codsaday dowladda iyo maamulka gobolka Shabeellaha Dhexe inay ka soo gurmadaan ka timid fatahaadda wabiga.
Fatahaadda wabiga ayaa la sheegay inay sababi karto inuu xirmo iso socodka gaadiidka ee magaalada Jowhar iyo gobolka Hiiraan
cumar c/rashiid
cumarrashid@gmail.com
Comments are closed.