Injineer Axmed Shariif Oo Degmada Shibis Lagu Dilay

jiinka August 17, 2013 Comments Off
Injineer Axmed Shariif Oo Degmada Shibis Lagu Dilay

Kooxo hubaysan ayaa Degmada Shibis ee Gobalka Banaadir ku dilay nin farsamayaqaan ahaa oo ka tirsanaa Wasaarada Warfaafinta.

Dilkan ayaa dhacay xilli Farsamayaqaankaan uu kusoo jeeday goobtiisa shaqada kana soo ambabaxay hooygiisa uu ka degan yahay Degmada Boondheere.

 

Axmed Shariif ayaa lagu magacaabi jiray Allaha unaxariistee waxaana uu ahaa farsamayaqaan si weyn u garanaya sameynta Idaacadaha,isaga oo dhowr xarun warbaahineed sameeyay.

 

Lama garanayo cida ka dambeysay dilka loo geestay Allaha unaxariistee Axmed Shariif Xasan waxaana hada uu kamid ahaa shaqaalaha Wasaarada warfaafinta.

 

Meydkiisa ayaa waxaa la geeyay hooygiisa,halkaasi oo lagu diyaarinayo kadibna la aasayo.

Dilka loo geestay Farsamayaqaankaan ka tirsan Raadiyaha Dowladda ayaa kusoo aadaya xilli saaka maxkamada ciidanka qalabka sida ay dil ku fulisay ruux lagu eedeeyay inuu ka dambeeyay dilkii loo geestay Wariye Abkeey.

 

 

 

cumar c/rashiid
cumarrashid@gmail.com

Comments are closed.