Ciidamo boolis ah oo ka socda howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) ayaa maanta gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.
Taliyaha booliska ee gobolka Baay, Korneel Mahad Cabdiraxmaan Aadan ayaa Saxaafada u sheegay ciidamada gaaray Baydhabo ay qayb ka qaadanayaan xasilinta ammaanka gobolka.
Ciidamada oo ku hubaysan gawaariga gaashaaman ayuu taliyaha sheegay inay horudhac u yihiin ciidamo kale oo dhowaan gobolka Baay la gayn doono.
Wuxuu sheegay inay sida ugu dhaqsaha badan uga howl-billaabi doonaan gobolka.
Horay waxaa magaalada Baydhabo ugu sugnaa askar ka tirsan ciidanka AMISOM oo la shaqeenayay ciidamada dowladda federaalka ee Soomaaliya.
cumar c/rashiid
cumarrashid@gmail.com
Comments are closed.